Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Golaha CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa gaaray dalka Mareykanka kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay FIFA.
Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Mareykanka ka qeyb geli doona kulamada Koobka Adduunka ee FIFA World Cup 2026, halkaas oo uu kulamo iyo howlo la xiriira horumarinta kubadda cagta kula yeelan doono madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan FIFA iyo bahda kubadda cagta caalamka.
Markii uu gaaray dalka Mareykanka, Madaxweynaha waxaa si diirran u soo dhaweeyay Gudomiyaha sports ee North America Somali football federation Dr Maxamed Cabdi, kaas oo ka qeyb qaatay soo dhoweyntiisa.



