Markaan arkay sawirrada soo dhaweynta Madaxweyne Sharif Shekh Axmad waxaan soo xasuustay warkii adeerkey Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa Abgaal waa qowmiyad. Waxaan marqaati ka ahay iney qowmiyad yihiin sababtoo ah madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Ku sime Madaxweyne Cali Gudlawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Caadle, Guddoomiya Gobolka Sh Dhexe Axmad Meyre Makaran, Taliyaha Boliska Hirshabeelle Kor Xasan Dhicisow iyo mas’uuliyiin kale. Haddaad mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wareysato wexey ku leeyihiin soo dhaweynta Shariifka looma kala harin, haddaad hoos u sii fiirisana waa hal reer. Hirshabeelle ma Abgaal ayey ku soo aruurtay?

Waxaan qirayaa iney qalad aheyd inaan annagoo qabaa’il yar yar ah wax ku darsanno qowmiyad, dhinaca Xawaadlena qaladkaa anaa dusha saaranaya.

Maxaa daliil u ah iney Abgaal qowmiyad yihiin? Muddo ka badan 10 sano qowmiyaddan wexey laheyd inta uu waddan gooni u taagan leeyahay; wexey laheyd lacag u gaar ah, deked u gaar ah, garoon diyaaradeed oo u gaar ah, ciidan u gaar ah iyo madax qaran oo haddana u gaar ah. Ma jiro reer kale ee Soomaaliyeed oo sidaa gaar isugu taagi karo.

Maxaa dhacaya marka ay qabaa’il yaryar wax ku darsadaan qowmiyad?

Hirshabeelle calool Abgaal ayey gashay, in looga tago maahane lalama lahaan karo.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here