Kulan ded deg ah uu madaxweyne farmaajo isugu yeeray saraakiisha ayaa hada ka socda madaxtooyada kaas oo looga hadalaayo sidii loo joojin lahaa banaanbaxa ay ku baaqeen midowga musharaxiinta.

Sida aan ku helay xog hoose oo aanan dooneynin in aan halkaan ka sheego ayaa sheegeysa in la isla qaatay go.aano dhowr ah fulinteedana laga sugaayo hay.adaha amniga.

Dhowrka tilaabo oo la qaadi doono jimcaha si looga hortago banaanbaxyada waxaa ka mid noqon doona sida hoos ku qoran.

1.in dhamaan ciidanka qalabka sida heenan la geliyo laga bilaabo galabta uusan jirin karin askari xeradiisa ka maqnaan kara.

2.in maalin jimcaha ah noqoto maalin Baddow ah wax dhaqdhaqaaq ahna la xadido. Jid furana uusan jiridoonin. Gaar ahaan jidka maka almukarama waa la xiro doonaa

3.in cid kasta oo loo arko in ay abaabul wado sharciga la horgeendoono lana xiro.

Wixii kale ee kasoo baxa halkaan kala soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here