Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Maxamed C/laahi Farmaajo,Ra’iisulwasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa siyaabo kala duwan waxay Hambalyo hawada u direen Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Danni oo markii labaad loo doortay xilkaan.

“Waxaan hambalyo leeyahay walaalkeey H.E Said Abdullahi Deni oo maanta markale loo doortey inuu noqdo Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed

Advertisement

Shariif Sheekh Axmed wuxuu  bogaadiyay guddigii doorashada iyo Baarlamaanka Puntland, isagoo ku amaanay  sida hufan ee ay u guteen waajibkii ka saarnaa doorasho aan rabshad wadan inay ka dhacdo Puntland.

Sidoo kale waxaa isna dhankiisa Hambalyo dire Maxamed C/laahi Farmaajo madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
 “Hambalyo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay inuu mar labbaad hoggaamiyo Dowlad Goboleedka Puntland, Waxaan Allaah kaaga rajaynayaa inuu kugu guuleeyo
mas’uuliyaddan laguu doortay, aadna horseed u noqoto xasilloonida, horumarka iyo baraaraha Puntland”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ra’iiusulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa isna wuxuu ugu duceeyay Saciid Danni in Alle uu la garab-galo masuuliyadda culus ee loo doortay.

“Waxaan Madaxweyne Deni u rajaynayaa in uu dadka iyo deegaannada Puntland ku hoggaamiyo horumar iyo xasillooni waarta, kana miradhaliyo geeddi-socodka dimuquraadiyadeynta Puntland” ayuu yiri Kheyre
Dhanka kale Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisulwasaarihii hore Maxamed Xasan Rooble wuxuu ugu duceeyay reer Puntland horumar iyo Barwaaqo.

“Waxaan kaloo u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay in doorashadu si nabad ah ku qabsoonto iyo bulshada Puntland oo dulqaad muujiyay”ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

May be an image of 1 person and dais
Previous articleKooxaha kubada cagta Galmudug iyo Gobolka Banaadir oo Galabta isku arkaya Muqdisho Stadium
Next articleTemu | Shop for Clothing, Shoes, Jewelry, Beauty & More

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here