Waxaa Magaalada Muqdisho caawa ka socda kulan dhex maraya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyiga ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana la sheegay in looga hadlayo xalinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka ka taagan.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi in ay isku hayaan guddiga doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.

Sidoo Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa la sheegay inay caawa isku howleen in siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaaminayo Mahdi Guuleed ay ku qanciyaan is afgaradkii guddiyadii ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Baydhaba.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here