Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Madaxweynaha oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Kulan gaar ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hir-Shabeelle Axmed Maxamed Islaam iyo Cali Guudlaawe Xuseen, iyaga oo ka wada hadkay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo in Xildhibaannada ay doortaan Madaxweyne dalka badbaadin kara.

Kulamada looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ayaa weli ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana Musharrixiinta xilka Madaxweynaha ay si kala gooni gooni ah ula kulmayaan Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo codka weeydiisanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here