Maraykanku waxa uu sheegay in uu xakamayn doono iibinta saliida Venezuela “si aan xad lahayn” oo uu go’aamin doono sida dakhliga ka soo baxa iibkaasi loo isticmaalo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Caracas ay ku wareejin doonto Washington 30 ilaa 50 milyan oo fuusto oo saliid ah.
Arbacadii, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa qabtay labo markab oo xiriir la leh Venezuela – oo uu ku jiro markab ka babanaya calanka Ruushka oo ku sugnaa Waqooyiga Atlantic – oo lagu eedeeyay inay jebiyeen cunaqabateynta.
Trump ayaa shaaca ka qaaday in la qabanqaabinayo kulan uu Aqalka Cad kula yeelanayo madaxweynaha Colombia Gustavo Petro, kaddib wada hadal dhanka taleefanka ah oo ay labada dhinac ku yeesheen oo ay kaga wadahadleen arrimo la isku hayo.
Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii maamulka Trump uu af-duubtay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro weerar ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
