Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland, ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug, oo lagu wado in uu  ka furmayo shirka madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Magaalada Dhuusamareeb waxa haatan ku sugan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidoo kale Shirka Dhuusamareeb, oo la filayo in uu maanta furmo, waxa looga hadli doonaa muran ka aloosan Arrimaha doorashada, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada qaarkood iyo murashixiinta mucaaradsan dowladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here