Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magacaabay Taliyaha cusub ee ciidamada daraawiishta Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa caawa Taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo loogu magacaabay inuu noqdo Sarreeye Guuto Cabaas Ibraahim Cabdi.

Advertisement

Wareegtada ayaa waxaa lagu caddeeyay in Muhiimada ay leedahay in dib loo dhiso ciidanka daraawishta dowlad Goboleedka Jubaland qeybta Gobolka Gedo.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista

Tix-raac: XM/DGJS/033/2023

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:-Dastuurka Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 72aad, Farqada(5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Garwaaqsaday:- Muhiimada ay leedahay in dib loo dhiso Ciidanka Daraawishta Jubaland qeybta Gobolka Gedo.

Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam u magacaabay, Sarreeye Guuto Cabaas Ibraahim Cabdi Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Gedo.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Previous articleGo’aano kasoo baxay kulan ay yeesheen Hay’adaha Amniga Soomaaliya
Next articleMaxaa sababay in Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda DF oo shaqo joojin Deg-deg lagu sameeyo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here