Madaxweyne Biixi” Dowladda Farmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay waa xirtaa”

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Amniga Guud ee Somaliland iyo Mandaqa Geeska Afrika, waxaana uu farriin u diray dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu sheegay in ammaanka degaanada maamulka Somaliland uu wanaagsan yahay, islamarkaana ay jiraan tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah beelaha Somaliland.

Waxaa uu xusay in Somaliland ay ka mid tahay meelaha ugu Ammaanka badan geeska Afrika marka laga eego dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

“Maanta Kismaayo dagaalbaa ka socda Xamar dagaalbaa ka socda oo dowladda Farmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay maalin walba way xirtaa waad arkeysaa halka la maraayo iyo Qaraxa ka taagan Puntland maanta waad arkeysaan dhibkaas oo dhan waxaa wadda dowladda Farmaajo laakiin wali way ku jirtaa tababar oo waxay kusoo wajahan tahay Somaliland”ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Waxaa uu ku eedeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan doonin dhismaha maamulada dalka ka jira, islamarkaana dagaallo uu ku sameynaayo dhaqaalihii uu caalamku ku taageeray.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064