Madaxweyne Biixi oo gaaray Boorame

0

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ugu baxay gobollada Galbeedka dalka, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Dilla, Tulli, Goroyo-cawl iyo Boorama, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u soo dhaweeyey, waxana iyagoo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Somaliland ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen dariiqyada kala duwan ee magaalooyinkaas.

Sidoo kale, markii uu madaxweynuhu gaaray magaalada Boorama, waxa uu xarigga ka jaray Buundada weyn ee isku xirta Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama oo uu hore madaxweynuhu u dhagax dhigay.

Hormuudka Jaamacadda, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo Injineerrada gacanta ku hayey Buundada Cammuud oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey sida xilkasnimada leh ee uu ugu guntaday inay buundadaasi dhammaato, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay dhismaheeda uu fududeeyey isku socodkii ardayda ee Jaamacadda iyo magaalada oo markii hore dhib badani ka taagnaa wakhtiyada roobabka Dooxo halkaas ku taalla awgeed.

     

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here