Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta tegaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdicasiis Lafta Gareen uu kulan wadatashi ah la yeelan doono dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale iska xog wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dhaq dhawaaqyada ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sisoo kale Labada maamul ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa xulafo siyaasadeed, kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynaha Jubbaland oo illaa doorashooyinkii soo dhammaaday ay saaxibo ahaayeen Saciid Deni, balse ay kala tegeen, kadib doorashadii 15-kii May iyo magacaabistii ra’iisul wasaare Xamza.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here