Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan dhex maeay Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho, waxuuna ka waday kulamo intooda badan looga arrinsanayey muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Labada masuul ayaa kulankooda isaga xogwareystay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan deegaanada HirShabeelle. Waxuuna Cali Mahdi tallooyin iyo dardaaran siiyay Madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo kula taliyay inuu xoogga saaro dib u heshiisiinta iyo nabadeynta, sida aan xogta ku helnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here