Madaxweyne Cali Mahdi iyo Murtidiisii toosinta Qaranka Soomaaliyeed ee shirkii Mudulood.

0

Qudbaddii qiimaha la’heeyd oo aheeyd mid Qaranka Soomaaliyeed iyo Dowlad Soomaaliyeed sida laga rabo uu ku tilmaamay la’iskuguna soo dhaweeynayay umadda Soomaaliyeed oo walaalaha ah haddaan wax yar oo faallo ah ku daro taas oo uu shirkii Mudulood ka Jeediyay Madaxweynihii 4aad ee Qaranka Soomaaliyeed Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed inkatoo Aniga aan dhihi la’lahaa ayna tahay sida Fiican haloogu yeero Madaxweynihii 3aad oo maqaamka Madaxweyne yaasha hallaga saaro Talis ku sheeggii Askarta Digteeytarkii ay dhaheen waa Madaxweyne kaas oo aan hal qof dooran oo yiri xoog ayaan Madaxweyne ku ahay ee Madaxweyne igu yeera si khasab ah, waa sidan Faallada oo kooban.

Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu shirkii Muduulod oo Qiimaha Badnaa ka yiri: (Aniga siyaasi waa ahaan Jiray laakiin Siyaasi hadda ma’ahi waxaan ahay miskiin Gurigiisa iska Joogo laakiin hal Arin ayaan Rabaa taas oo ah: Dowlad CAADIL AH OO DALKA SOMALIYA CADDAALAD KU DHAQEEYSO haddaan waayo qorigeeygii caddaa Xabaddu waa ku jirtaa). Artintaas waxaa ka xanaaqay laba kooxood oo aan rabin Dowlad CADDAALAD AH OO DALKA CADDAALAD KU DHAQDO sida uu sheegay Madaxweyne Cali Mahdi, labadaas kooxood oo dalka Somaliya halaag la’rabo ama horay u baday Halaag, waxaa kale oo ay Adeegsadeen Soomali wax magarad ah oo AFARTA JAHO ISKAGA DARSANYIHIIN OO AY U SOO DHIIBEEN ERAYO RAQIIS AH SIDA 80 JIR QORI WATO UMA BAAHNIN IWM. waana sidan saddaxda qeeybood.

1) waxaa ka xanaaqay in dalka CADDAALAD LAGU DHAQO sida uu sheegay Madaxweyne Cali Mahdi kooxda Farmaajo oo aan Qaran, Dowladnimo iyo caddaalad midne rabin oo rabto in ay Qaranka Soomaaliyeed Kufsadaan oo ay qaadaan Waddadii Talis ku sheeggii Askarta uu dalka ku dumiyay oo waliba rabo in ay talada umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyso waligood ku fadhiyaan.

2) waxaa kale oo ka xanaaqay murtida Madaxweyne Cali Mahdi uu Qaranka Soomaaliyeed ku toosinayo oo uu ku tilmaamay in uu dalku u baahanyahay Dowlad Caddaalad ah wixii ka Nool dhowrkii Askari oo dalka Somaliya xoogga iyo isdilka ka billaabay iyo taageero yaashoodii maxaa yeelay Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu ka mid ahaa waxgaradkii Soomaaliyeed oo Diiday in talada umadda soomaaliyeed ka dhaxeeyso ay waligood heeystaan dhowr Askari oo ay waliba umadda soomaaliyeed Dulleeystaan oo ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed midba habeen Guriga kala baxaan oo ay ama gowracaan ama xorriyaddiisa Qaaliga ah ka qaadaan oo ay xabsi ku ridaan sabab la’aan haddane dalka eex iyo Caddaalad xumo ku dhaqaan wuxuuna qori Cad u qaatay Madaxweyne Cali Mahadi in uu dhowrka Askari umadda Soomaaliyeed hor dhaafiyo asaga iyo mas’uuliyiin kale oo Soomaaliyeed oo Qiimo badan si ay shacabka Soomaaliyeed u Doortaan muwaadinkii hoggaamin la’haa si xor iyo xalaal ah sidaas darteed dhowrkii Askari oo dalka kufsaday 1969kii iyo taageera yaashoodii WAXAY KA XUN YIHIIN IN UMADDA LAGA DUL QAADAY waxayne ka sii xun yihiin Qoryihii cad Caddaa oo uu ka mid ahaa qoriga cad ee Madaxweyne Cali Mahdi oo ayaka umadda looga Dul qaaday markii ay qorigaas maqleen AYEEY BAROORTEEN OO KORONTADU KA TAGTAY waxaa kale oo ay dhowrkii Askari wixii ka Nool iyo taageera yaashooda ka xumaadaan markii ay maqlaan shir ay qabsadeen shacabka Soomaaliyeed sida shir Guuleedkii Beesha Mudulood oo ujeedkiisu ahaa in lagu mideeyo Beelweeynta Mudulood iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed si ay Gacmaha isku qabsadaan somali weeyn sida uu shirka ka sheegay Madaxweyne Cali Mahdi iyo waliba dhammaan waxgaradkii shirka ka hadlay Sababtoo ah dhowrkaas Askari waxaa dhibayo midnimada Soomaali weeyn taas oo ah midnimadii ay shacabka Soomaaliyeed iskaga Dulqaadeen dhowrkii Askari oo dalka Dagaalka sokeeye u soo Jiidday.

3) Waxay adeegsadeen dad wax magarad ah oo AAN KALA GARAN KARIN XUMAAN IYO SAMAAN oo ay u soo dhiibeen hadallo RAQIIS AH OO AY KA MID YIHIIN 80 JIR QORI WATO SOMALI UMA BAAHNA IWM.

kuwaas wax magaradka ah haddii la’weeydiiyo oo la’yiraa: Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu Qoriga Cad u wataa Dowlad aan CADDAALAD DALKA KU DHAQEEYN oo kali ah ee Adinka ma’waxaad rabtaan Dowlad caddaalad xumo dalka ku dhaqeeyso oo sidaas ayaad u Diidan tihiin murtida Madaxweyne Cali Mahdi? Su’aashaas kama Jawaabi karaan maxaa yeelay ALLAHII ABUURTAY AYAANBA SIIN GARASHO AY KU KALA FAHMAAN: Dowlad Fiican oo dalka caddaalad ku DHAQEEYSO oo mudan in ay soomali oo dhan taageerto iyo Dowlad xun oo dalka caddaalad xumo ku dhaqeeyso oo ay tahay in ay Soomali oo dhan QORI CAD KULA DAGAALANTO sida uu Noo tilmaamay Madaxweyne Cali Mahdi oo ah Madaxweyne Garasho dheer oo dalka la’doonayo Dowlad caddaalad iyo sharaf ku maamusho.

Ugu dambeeyn: Somali waxaa leh Somali waxaana ka buuxo kheeraad kala duwan Dalkeenna Hooyo sida Shidaalka kalluunka. Xoolaha. Beeraha. Macdanta iwm, waxaan u baahannahay oo kali ah: sida uu Noo sheegay Madaxweynihii 3aad ee Qaranka Soomaaliyeed ee Garashada u saaxiibka ah Madaxweyne Cali Mahdi in aan Dalkeenna ka ilaalinno Dowlad ku sheeg dalka caddaalad xumo ku DHAQDO oo umadda soomaaliyeed isku Dirto taas badalkeeda aan xoogga iskugu geeyno si aan u dhisanno Dowlad caddaalad dalka ku dhaqdo sida uu sheegay kuna Jirto murtidiisa Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Xalka Soomaliya wuxuu kujiraa tilmaanta uu Farta noogu fiiqay Madaxweynaha 3aad ee Cali Mahdi Maxamed taas oo ah dalka in uu u baahanyahay Dowlad Caddaalad ku dhaqdo, balse xalka Soomaliya kuma Jiro aragtida Gaaban ee Dhowrkii Askari oo 1969kii Qarankii Soomaaliyeed kufsaday oo dalka oo Nabad iyo Doorasho xalaal ah ku socdo xoog iyo isdil dalka ka billaabay iyo Aragtida ka sii Gaaban tii dhowrkii Askari ee hadda ay wadaan kooxda Farmaajo oo rabto in ay dalka Qiimaha badan oo soomaaliyeed markale kufsadaan. Labadaan kooxood aragtidooda waxay ka soo hor jeeddaa Aragtida Madaxweynaha 3aad Cali Mahdi waxayne rabaan labadaan kooxood Dowlad Caddaaladda ka Fog, balse kuwa u Gurbaan tumayo labadaan kooxood oo Madaxweyne Cali Mahdi dhaliilayo waxay rabaan yaa sheegi karo?

Barre Shukri Elmi

barreelmi@gmail.com

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here