Wareegto goordhaw kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa cafis Madaxweyne loogu fidiyay Wariye Kilwe Aadan Faarax oo ku xiran xabsi kuyaala magaalada Garawe.

Wariyaha cafiska goordaw loo fidiyay ayaa horey loogu eedeeyay in uu sameeyay barnaamijyo kicin ah , waxaana Madaxweyne Deni horey u sheegay Wariyahan in uu yahay dambiile lana marsiinayo cadaalada.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Cafiska Madaxweyne uu fidiyay Siciid Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah.
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland
 
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad
 
Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed
 
Wuxuu xeeriyey:
 
1. Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax
 
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here