Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, lagu wado in uu Sabtida soo socota hortago mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo safarkiisi Muqdisho.

Farriin kooban oo xalay loo diray xildhibaannada Baarlamanka, ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha, waxaana wararku sheegayaan in uu warbixin ka siin doono safarkii Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Golaha u jeediyo khudbad ku saabsan fashilka ku yimid dadaalladii ku jihaysnaa xallinta muranka doorashooyinka iyo sidoo kale shirkii natiijo laa’aanta ku dhammaaday ee Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka

Office Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here