Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kusugan Magaalada Muqdisho ayaa xalay  kulan is cafin ahaa la qaatay qaar kamid ah 8-dii xildhibaan ee laga saaray Baarlamaanka Puntland 3 Dec 2020 kadib mooshinkii uu abaabulay Madaxweyne Siciid Deni.

Wararka la helay ayaa sheegaya in kulanka Madaxweynaha iyo xildhibaannadii la eryay uu qaban-qaabiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo isaga laftirkiisa mooshin abaabulan xilkii iyo Xubinimadii Baarlamaanka Puntland looga qaaday.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa waxaa xilka laga qaaday 7-dii Bishii Novemberee sanadkii 2019-kii, iyada oo sidoo kale gebi ahaanba Baarlamaanka laga saaray 10 December 2019 kadib mooshin uu gadaal ka riixayay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ugu dambeyn 10-kii Bishii May ee sanadkan 2022 ayay Magaalada Muqdisho ku kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed, iyada oo xiligaas Madaxweyne Deni oo ahaa musharax Madaxweynaha Soomaaliya uu ka dalbaday Cabdixakiin Dhoobo Daareed in wixii dhacay ka heshiiyaan, taas oo uu aqbalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here