Dawladda Soomaaliya ayaa ka aamustay muddo kordhinta ay halka sano sameysteen Afar ka mid ah madaxda dawlad gobolleedyada dalka,marka la eego in Baarlamaankooda ay ku amreen wax ka badelka dastuurkooda

Dawladii hore ee Farmaajo oo joogtay ayey Cali Guudlaawe iyo C/casiis Lafta gareen ayey sameysteen hal sano oo muddo kororsi ah taas oo aysan cidna kadaba qeylin.

Balse dhawaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hal sano loogu daray muddo xilleedkiisa taas oo soo kicisey indhaha siyaasiyiin badana ay ku eegeen.

Iyadoo taas lawada ogaa ayaa maanta waxaa isna hal sano muddo kororsi ah sameystay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) taas oo ay dad badan sii cusleeyeen xaalada muddo kororsiga.

Hadda waxaa lawada eegayaa tallaabada uu qaadi doono Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni isagana ma sameyn doonaa hal sano oo ku darsi xafiiska uu sii joogayo mise doorashada ayuu udiyaar garoobi doonaa?

Dadka qaar ayaa is weydiinaya maxay tahay sababta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay uga aamusan tahay arimaha dawlad gobolleedyada mise iyada ayaa dooneysa inay shan sano ka dhigato oo qarankana laga dhigo muddo xilleedkiisa 5 sano mid ah?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here