Dowladda Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, xilli ciidamadeed iyo kuwa Qaramada Midoobay ay la dagaallamayaan jabhado ku soo siqaya caasimadda Bangui, isla markaana doonaya inay la wareegaan awoodda dalkaas.

Xooggaga dowladda la dagaallamaya oo hadda gacanta ku haya saddex meelood oo meel dalkaas ayaa hareereeyay caasimadda Bangui.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ayaa ka digay in dalkaas uu “wajahayo xaalad khatar ah.”

Jabhadaha ayaa diiddan natiijada doorashadii dhacday bishii hore oo uu mar labaad ku guulaystay Madaxweyne Faustin Archange Touadéra.

 

Calooshood u shaqeystayaal Ruushka u dhashay miyaa ka howlgala Afrika?

Dowladda dalkaas ayaa ku eedaysay Madaxweynihii hore François Bozizé, oo laga horjoogsaday inuu u tartamo doorashadii 27-kii Disembar, inuu ka dambeeyo rabshadaha sii xoogeysanaya.

“Waa la soo qaban doonaa, oo la maxkamadeyn doonaa kuwa ka dambeeya dembiyadan aan la cafin karin ee ka dhanka ah shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe,” ayuu yiri Madaxweyne Touadéra oo dhanka kale ku baaqay dib u heshiisiin qaran.

François Bozizé oo xukunka waddankaas qabtay 2003 afgembina looga tuuray 2013 ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Xaalad bani’daannimo

Colaadda ayaa tan iyo bishii Disembar si toos ah u saameysay in ka badan 200,000 oo dad rayid ah, iyadoo kala bar dadkaas aanay weli dib ugu laaban guryahooda, sida ay sheegtay hay’adda Unicef.

“Colaadda cusub iyo barakaca ayaa sii kordhinaya baahida gargaarka bani’aadannimo ay u qabaan shacabka dalkan oo saameyn xooggan kala kulmay cudurka Covid-19 iyo dagaallo sanado socday,” ayuu yiri Fran Equiza, wakiilka Unicef ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

 

Xaaladda degdeg ah ee waddankaas la geliyay Khamiistii ayaa socon doonta muddo 15 maalmood ah, sida uu sheegay afhayeenka dowladda, Albert Yaloke Mokpeme.

Waxa uu sheegay in askarta ay dadka xiri karaan iyagoo aan maxkamad u marin.

Weriyaha BBC uga soo warrama Bangui, Pacôme Pabandji, ayaa sheegay in inta badan shacabka caasimadda aanay la yaabin xaaladda degdega ah, maadaama uu todobaadyadii dambe sii xumaanayay amniga guud.

Baaq ah kordhinta ciidamada nabad ilaalinta

Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka, xaaladda degdega ah ayaa muhiim noqotay kadib markii la ogaaday in xukuumadda dalkaas ay wajahayso khatar amni oo xooggan.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mankeur Ndiaye, ayaa sheegay in dalkaas uu khatar ugu jiro luminta guulihii laga gaaray xasilloonida.

Waxa uu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana loo oggolaado inay ka falceliyaan xaaladda amni ee faraha ka sii baxaysa.

Inkastoo aanu ergayga shaacin cududa ciidan ee loo baahan yahay, ayaa haddana wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay hawlgalka Minusca in dalkaas u baahan yahay 3,000 oo askari oo dheeraad ah, diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca iyo xitaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

 

Ndiaye ayaa sheegay in tiro badan oo ciidanka dowladda ah ay faarujiyeen furimaha dagaalka, tababar xumo iyo qalab yari awgood.

In ka badan 12,000 oo nabad ilaaliyayaal ah ayaa hadda ku sugan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Ka hor doorashadii Disembar, Rwanda iyo Ruushka ayaa waddankaas u diray ciidamo dheeraad ah si ay u caawiyaan dowladda. Faransiiska ayaa sidoo kale diray taakulo ciidan oo uu ku taageeray xukuumadda Madaxweyne Touadéra.

Dhanka kale, xukuumadda Bangui ayaa doonaysa in Qaramada Midoobay ay waddankaas ka qaado cunaqabateynta hubka ee ay saartay 2013, taasoo ay u aragto mid caqabad ku ah la dagaallanka fallaagada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here