Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku eedeeyey tobaneeyo taliyeyaal hore oo ciidamada badda ah inay isku dayeen “afgambi siyaasadeed” ayaga oo weeraraya qorshaha uu ku dhisayo marin-biyood isku xira Badda Madow iyo Maditareeniyaanka.

Dowladda ayaa xiray 10 taliye oo ciidamada badda ah, kuna amray afar kale inay isa soo dhiibaan kadib markii ay daabaceen warqad furan oo ay ku dhalleeceeyen dhismaha Canal Istanbul.

Sikastaba ha ahaate Taariikhda Turkey ee kadib Cusmaaniyiinta ayaa waxaa la degay afgambiyo ay sameeyeen militariga oo isku arka inay yihiin kuwa uga dambeeya ee damaanad qaada nidaamka cilmaaniyadda ee dalkaas Muslimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here