Madaxweyne Farmaajo oo Caawa sheegay in laga Adkaaday Karoone 19 xili maanta laga Helay dad badan

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 31 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 868.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 18 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Benaadir 11, Somaliland 6, iyo Koonfur Galbeed 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,878.

Bukaannada cusub 16 ka mid ah waa rag 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Dhannka kale Madaxweyne Farmaaho Caawa Qudbada 26  Juun ka jeedinaayo ayaa Sheegay in laga Adkaaday Cudurka Karoonaha taa oo sida Muqata in uu hadalkaa Sax aheyn madama mant laga  Helay Dad garaayo 18 Qof

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here