Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay afhayeenkiisa cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay afhayeenkiisa cusub ee agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal Ingiriis lagu qoray oo lagu baahiyey barta Madaxtooyada Soomaaliya ee Twitter-ka ayaa lagu shaaciyey magacaabidaan iyadoo lagu shegeay in Cabdirashiid Maxamed Xaashi loo magaacaabay Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada, isagoo hore u ahaa ku xigeenka Agaasimaha.

Xilka waxaa dhowaan banneeyay Cabdinuur Maxamed oo noqday Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada, siina wada xilka agaasimaha markii uu xilkaasi banneeyay Dr. Nuur Diiriye Fuursade oo xilka uga tegay khilaaf dhex maray Madaxweyne Farmaajo.

sidoo kale Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada C/rashiid Maxamed Xaashi ayaa xilka agaasime ku xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada July 2019, wuxuuna hore uga howlgeli jiray Diiwaan Films oo baraha bulshadana ku faafin jirtay muuqaallo lagu taageerayo Madaxtooyada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here