Haddii uu Madaxweyne Farmaajo xalay qaabili lahaa dhalinyarada ku nool Muqdisho ee sida dhabta ah u gaartay dhibaatada ka jirta G/Banaadir, wax badan ayuu fahmi lahaa waxa uuna ogaan lahaa wanaag iyo xumaan waxey u qabaan shacabka Muqdisho.

Kulankii Madaxweynaha oo aan baaray waxaa iisoo baxday inuu qaabilay Dhalinyaro laga keenay magaalooyin kale oo aan xog ogaal aheyn, kuwa dalka dibadiisa ka yimid oo aanba aqoonin xaafadaha magaalada iyo dhalinyaro kamid ah shaqaalaha dowladda iyo kuwa gobalka Banaadir oo ka run sheegi karin xaaladda dhalinyarada.

Dhalinyaradaan waxey Madaxweynaha uga been sheegeen xaaladda iyo xaqiiqooyinka yaala Muqdisho iyagoo u sheegay in shacabka Muqdisho jacel yihiin lana dhacsan yihiin maamulkiisa halkii ay u sheegi lahaayeen waxa runta ah ee ka jira gobalkaan.

Waxey ka soo dhageesteen hadalo badan oo runta ka fog, halkii ay Madaxweynaha xasuusin lahaayeen cabashooyinka laga qabo iyo dareenka bulshadiisa Muqdisho ka qabaan hogaankiisa oo hada gabo gabo ah.

Hussein Abdulle Mohamed

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here