Madaxweyne Farmaajo oo Qadka Taleefanka kula Xariiray Madaxweyne Ahmed Madoobe

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu markii u horeysay xiriir toos ah oo dhanka Taleefanka la sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, tan iyo markii uu khilaaf ka dhashay doorashadii bishii Agosto ee dib loogu doortay Axmed Madoobe, dowladduna qaadacday.

Xiriirka khadka taleefanka ee dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ahaa sallaan, is xogwareysi iyo in wixii khilaafaad jira meesha laga saaro, lana isku yimaado, waxaana tallaabadan uu qaaday la sheegay inay aheyd mid ka dambeysay dalabka ka yimid beesha Caalamka oo ahaa in Madaxweynuhu xiriir taleefan la sameeyo Madaxda dowlad goboleedyada si loo abuuro jawi kalsooni ku dhisan, ka hor shirka la isugu imaanayo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here