Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb(Daawo sawirada)

0

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo galabta ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey RW Khayre oo halkaas ku sugnaa maalmahan, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo dadweyne kale.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxda dowlad Goboleedyada oo todobaad ka hor shir ku yeeshay Dhuusamareeb ay ugu baaqeen Madaxwrynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iney ka soo qeyb galaan shir looga arrinsanayo xal ka gaarista Doorashooyinka dalka.

Waa markii u horeysay ee Madaxda dowlad goboleedyada ay shir ugu yeeraan Madaxweyne xil haya, kuwaasoo horey ugu gacan seyray dhowr jeer oo Madaxweyne Farmaajo iskugu yeeray iney iskugu yimaadaan magaalada Muqdisho.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here