Madaxweyne farmaajo oo si sharci daro ah lagu wado in uu u hortagp Xukuumadii dhacday bil ka hor

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ee xilka sii haya ay maanta oo Isniin ah la isugu yeeray Shir aan caadi aheyn, kaddib farriin qoraaleed loo diray xalay iyo saaka.

Warar hor dhac aha ayaa sheegaya in Shirka Golaha Wasiirada uu dhici doono 2-da duhurnimo ee maanta, waxaana lagu wadaa in uu hor tago Madaxweyne farmaajo Xukuumada dhacday bi ka hor, taasi oo ah mid sharci daro ah.

sidoo kale Xaalada dalka ayaa ku jira marxalad kala guur ah oo dalku u socdo doorasho, waxaana illaa iyo hadda la soo magacaabin Xukuumad rasmi ah, kaddib markii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday, si aan sharci aheyn.

Muddo bil iyo 10 cisho ka badan dalku ma lahan Ra’iisul Wasaare, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa markii uu aqbalay xil ka qaadistii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaarihii hore waxaa uu u Sii Haye u magacaabay Mahdi Guuleed oo ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here