Madaxtooyada Villa Somalia ayaa soo saartay qoraal soo daahay oo loogu hambalyeynayo Puntland doorashadii qof iyo codka ee ka dhacday iyo in Madaxweyne Farmaajo la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururada Siyaasadda. Qoraalkan ayuu bartiisa gaarka ah ku ku shaaciyay Afhayeenka Madaxtooyada, mar dambena Twitter-ka Villa Somalia ayaa Retweet laga sameeyay.

Qoraalkan ayaa jawaab u ah eedeyntii Madaxweynaha Puntland Saciid Deni u jeediyay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in aanu doorashadii taariikhiga aheyd u soo hambalyeynin, taasoo u muuqata in aanu dooneyn nidaamka Federaalka iyo doorasho qof iyo cod inay dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here