Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray deegaanada quraxmadoobe, Biya cade, Miirtaqwo iyo Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo socdaalkaan ay ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada isagoo ku bogaadiyay howlaha amniga iyo xaqiijinta amniga deegaanadaan.

Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Boqolaal ciidamo deegaanka ah oo u soo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada deegaanada Hirshabeelle looga saarayo Al-shabaab, waxa uuna faray inay xaqiiyaan nabada deegaanadaan.

Gaba-gabadii Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ciidamada uga digay inay dadka dhibaato ugu geystaan deegaanada quraxmadoobe, Biya cade, Miirtaqwo iyo Ceelbaraf, isagoo xusay in cidii lagu helo falkaas tallaabo laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here