Kulamo gaar gaar ah ayaa waxay ka socdaan magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya,kuwaas oo kala duwan waxyaabaha looga hadlayo.

Kulamada waxaa ka mid ah mid ka socda hoyga uu ka deggan yahay agagaarka garoonka diyaaradaha muqdisho,madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed cabdullaahi farmaajo.

Siyaasiyiin,cuqaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaana ku booqanayey hoygiisa farmaajo iyadoo xaaladaha dalka iyo gurmadka abaaraha ay kawada hadlayeen inta badan.

Farmaajo ayaa qaabilay Cabdirashiid Xaashi oo ahaa siyaasi aad umucaaradi jiray Dawladii Nabad iyo nolol uu hogaamin jiray shantii sano lasoo dhaafay,xaashi ayaa waxay iska cafiyeen is aragti duwanaanta dhex tiilay isaga iyo Farmaajo.

Sidoo kale siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeedo gobolka gedo oo xalay la kulmay madaxweynihii hore ee soomaaliya farmaajo waxay ka codsadeen inuu qeyb ka noqdo dedaalada loogu gurmanayo dadka ay abaartu saameysay,uuna tego gobolkaasi maadaama intuu xukunka dalka joogay aysan marnaba usuurta gelin inuu halkaasi gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here