Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan waxa uu ka xunyahay hadallada xanafta leh ee loogu gafayo madaxda qaranka iyo dhibanayaasha ay ka baxday Marxuumad Ikraan Tahliil oo Alle iyo ummadda Soomaaliyeedba caddaalad uga baahan, ee kasoo yeeray kuwa aan xilkaska ahayn ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Jubbaland ayaa ka raaligaliyay ummadda Soomaaliyeed hadallada ay ku hadleen kuwa aan xilkaska ahayn ee ay sida sharci darrada ah hay’adda NISA ugu wakiilatay gobolka Gedo.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan waxgaradka gobolka, sida dhallinyarada, culumaa’udiinka, aqoonyahanka, haweenka iyo ganacsatadaba in ay ka jawaabaan gefka ay geeysanayaan kuwa ku dhex nool oo magacooda adeegsanaya”.

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa sido kale sheegay in arrintaani ceeb kutahay madaxwaynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Maadaama uu hadalkaani kaso yeeray kuwo uu isagu si dastuurka iyo shuruucda dalka baalmarsan ugu wakiishay gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here