Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo booqday xarumo ganacsi oo ku gubtay dab barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Dhusamareeb

0

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi  Cali Dahir Ciid uu  kormeeray xarumo ganacsi oo ku gubtay saakay magaalada Dhusamareeb ee Galmudug.

Waxa uu tilmaamay Cali Dahir Ciid Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug in madaxda maamulka Galmudug ay aad uga xun yihiin khasaaraha soo gaaray ganacsadii iska lahayd goobihii maanta dabka ku bas beelay.

Sidoo kale Waxa uu sheegay  Cali Dahir Ciid in Lacag dhan 22,000 oo Dollar ugu deeqday Galmudug Gudiga ganacsatada ee ku howlan so iibinta Gadiidka Dab damiska oo ay yeelaato Magaalada Dhusamareeb, isagoo intaa ku daray in canshuur dhaaf loo sameyn doono.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ganacsatada  Galmudug gaar ahaan kuwa Dhusamareeb ugu baqay in loo gurmado ganacsatadii maanta hantidooda ku waayay dabkii maanta Dhuusamareeb ka kacay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here