HomeWarkiiMadaxweyne ku xigeenka Galmudug oo goor dhaw shaaciyay inay Galmudug ka bilaabayaan...

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo goor dhaw shaaciyay inay Galmudug ka bilaabayaan diiwaangelinta codbixiyayaasha  doorashooyinka qof iyo cod.

May be an image of text

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Cali DFaahir Ciid ayaa goor dhaw ku dhawaaqay inay soo dhaweynayaan qorshaha Dowlada Faderaalka ee doorashooyinka qof iyo cod-ka  islamarkaana ay taageerayaan bilowga hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Galmudug.

Warsaxaafadeedka Madaxweyne xigeenka Galmdug oo sidiisa u qoran halkaan k akhriso:-

WARSAXAFADEED

Soo Dhoweynta Doorashada Koonfur Galbeed iyo Bilaabista Diiwaangelinta iyo karar qaybinta Galmudug

Waxaan halkan ku bogaadinaynaa, kuna soo dhoweynaynaa horumarrada muhiimka ah ee laga gaaray geedi-socodka dimuqraadiyadda ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Tallaabooyinkan waxay markhaati u yihiin rabitaanka shacabka iyo dadaalka madaxda ee ku aaddan xoojinta dowladnimada.

  1. Doorashada Koonfur Galbeed

Waxaan si diiran u soo dhoweynaynaa qabashada doorashada Koonfur Galbeed, taas oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka degaanka.

Waxaan aamminsannahay in doorasho xalaal ah oo ku dhacda jawi nabdoon ay tahay jidka keliya ee lagu gaari karo horumar waara iyo metelaad dhab ah.

  1. Diiwaangelinta Galmudug

Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa bilowga hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Galmudug. Tani waa tallaabo geesinnimo leh oo loo qaaday dhanka nidaamka “Qof iyo Cod”, kaas oo muwaadin kasta siinaya fursad uu ku go’aansado masiirkiisa hoggaamineed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -