
Warar hordhac ah ayaa ka soo baxaya dagaal saakay mar kale ka Qarxay Gobolka Gedo oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Maamulka Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa guulo ka sheegtay dagaal saakay ka socda ciidamada dowladda ee ay geysay Gedo iyo ciidamo uu hoggaaminaya wasiirka amniga Jubbanad Cabdi rashiid Janaan.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen xaruunta degmada iyo saldhiga booliiska degmadaasi isla markaana illaa hadda uu dagaalki socdo.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in iyadu ka dambeysay dagaalka isla markaasna ay weerarka ku soo qaaaday ciidamada Jubbaland.