Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Maamulka gobolka Karkaar, kan Degmada Qardho iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Kusimaha Madaxweynaha kusoo dhaweeyey beerta boqorka.

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka, ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Qardho waxa uu kulamo la yeelan doonaa maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here