Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir heer Wasiiro ah oo ku saabsan ka hortagga Nafaqa darrada.

Kulanka uu shirguddoominayay kKaraasha ayaa diiradda lagu saaray “Udiyaar garowga iyo ka hortaga macaluusha ay keeni karto Abbaaraha daba dheeraaday, dibu eegista shaqooyinkii qabsoomay sanadihii lasoo dhaafay iyo sidii Mashruuca loo daadajin lahaa.” Sida lagu yiri qoraal ka soo Madaxtooyada Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Golahiisa Wasiirada kula dardaarmay wax ka qabashada Nafaqa darrada.

Guud ahaan Goballada iyo Tuulooyinka Dalka ayaa waxaa ku dhufatay Abaar aad u daran taas oo saameesay dadka iyo duunyada, xilli laga cabsi qabo in ay isku badasho Macluul, sida uu sheegay ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here