Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno xukuumadda katirsan oo uu hoggaaminayo, ayaa kormeer ku tegay goobaha loo qorsheeyey in la dejiyo dadkii ku ganacsan jirey suuqa weyn ee Waaheen ee uu dhawaan dabku baabi’iyey.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah guddida gacanta ku haysa gurmadka dadkii ku tabaaloobay dabkii dhawaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen, ayaa kormeerkooda ku tegay goobo kala duwan oo ay dawladda Hoose ee Hargeysa ugu talo gashay inay si ku-meel-gaadh ah ugu sii ganacsadaan dadkii suuqaas ku ganacsan jirey, kuwaas oo ay kamid yihiin beerta xorriyadda, Huteelka Hadh-wanaag iyo xero-jaaddii hore ee Hargeysa.

May be an image of 7 people, people standing and road

 

Injineerrada gacanta ku haya dhismeyaasha goobahaas laga wado, ayaa madaxweyne-ku-xigeenka uga warbixiyey halka ay marayaan dhismeyaashu iyo hannaanka ay u qorsheeyeen in goobahaas loogu ganacsado, waxana ay sheegeen inay degdeg u dhamayn doonaan goobahaas ay dhisayaan oo loo dhamaystiri doono wax kasta oo ay u  baahan yihiin dadka la dejin doonaa.

Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha wehelinaya, ayaa sidoo kale kormeeray  Huteelka Hadh-wanaag oo uu mulkiilihii lahaa si mutadawacnimo ah ugu deeqay inay dadweynihii ku caydhoobay suuqa Waaheen si ku-meel-gaar ah ugu ganacsadaan, kaas oo baaxaddiisu aad u weyn tahay, ganacsato badanina ay ka faa’iidaysan karaan.

Suuqii Waaheen ee dhawaan gubtay oo ay hawl nadiifin ah dawladda Hoose ee Hargeysa ka waddo, ayuu madaxweyne ku-xigeenku soo kormeeray, waxana uu soo indho-indheeyey hawsha nadiifinta ah ee socoto, waxana uu guddida qaran ee hawshaas gacanta ku haysa ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay hawlaha u wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here