
NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dalka Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa markii ugu horeysay wuxuu adeegsaday qoraal afka Soomaaliga uu ku soo qorey iyo aayado quraan ah uu soo daliishaday xili uu eedeyn ba’an u jeediyay Siyaasiyiinta Somali-Kenyanka ah.
Rigathi Gachagua wuxuu si weyn ugu eedeeyay siyaasiyiinta Somali-kenyaanka ah xatooyada xoolaha dadweynaha,wuxuuna siyaasiyiinta uga digay inay cunaan lacagaha dadweynaha,xili markaas qoraalkiisa ku soo daray ereypo Soomaali ku qoran oo uu ku habaarayo siyaasiyiinta Soomaalida.
Siyaasigaan xilka sare ka soo qabtay Kenya mar uu quraanka Kariimka soo qaatay wuxuu sheegay in Quraanka Kariimku cadeeyay inay xaaraan tahay cunista hantida Agoonta.
Rigathi Gachagua inkastoo uu Gaal yahay hadana quraanka wuxuu u soo daliishaday si uu ugu xoojiyo eedeymaha musuq maasuqa ah ee uu u jeediyay Siyaasiyiinta Somali-Kenyaanka ah oo badanaa baraha bulshada ay isku weeraraan xili Rigathi Gachagua lagu eedeeyo Somali naceyb.
Ereyada uu Rigathi Gachagua uu Af-Somaliga ku soo qorey isagoo adeegsanayay bartiisa Facebook waxaa ka mid ah inuu yiri kuwii lacagta cuneen,dhuxul naareed Allah SWT ha uga dhigo.

Eeda ugu badan ee loo jeediyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa ah inay musuqmaasuqaan lacagaha loogu talagalay in gobollada Soomaalida lagu horumariyo, isla markaana wax loogu qabto shacabka taasoo xitaa Soomaalida ugu badan ay aaminsan yihiin in sababta Kenya inteeda kale ay uga qurxoon tahay dhanka Soomaalida sida Mandera,Wajir iyo Garisa ay tahay musuq maasuqa Soomaalidu ku kacayaan
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


