Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galay, munaasabad casho sharaf ah oo lagu dhaarinayay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka oo kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay la yimaadaan hufnaan iyo karti ay ku gutaan waajibaadka saaran ayaa tilmaamay in Maamulka iyo shacabka Galmudug ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka dowlad dhiska, maamul daadajinta iyo dimuqraadiyadda.

Waxaa uu faray inay dardar geliyaan shaqooyinka loo igmaday ee la xiriira diyaarinta sida degaannada Galmudug looga qaban karo doorashooyin qof iyo cod ah.

Munaasabadda dhaarinta Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baaralamaanka Galmudug  Maxamed Nuur Gacal, Xeer ilaaliyaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here