Diinsoor (dayniiile.com)-Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Diinsoow ee Gobolka Baay.

Xubanaha la socday Lafta-gareen waxaa ka mida  Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed waxaana si weyn usoo dhaweeyay shacab iyo masuuliyiin.

Advertisement

Ujeedka socdaalkaan ayaa ah laba arin waa mida koowaade dardar galinta Qorshaha dagaalka Alshabaab looga xoreynayo Koofur galbeed iyo xalinta xiisad ka dhalatay dil maleeshiyo beeleed ugu gaysteen Magaaladaani gudoomiye xigeenkii taasoo kicisay xiisad beeleed.

Masuuliyijntaan ayaa durba markij ay tageen Diinsoor waxay bilaabeen  kulamo ay la qaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleGud. xigenka Barlamanka oo shaaciyay in Marwa Cabdi Bashiir ay ogeyd in Somalia ka tanaasushay Xilka ay u tartameysay
Next articleGolaha Wasiirrada oo ansixiyey Qoondada Miisaaniyadda sanadka 2024-ka  oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here