Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wasiirada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya oo Maanta Safar Shaqo kuso Gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Qaabilaada waxaa ku Wehlinayeen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahan Duqa Magaalada.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Ahmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa Madaxweyne Laftagareen la wadaagay Socdaalkooda ku qotoma Xoojinta Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariic kala Duwan oo labada Wasaaradoo ay ka Hirgelinayaan Guud ahaan Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Umahadceliyey Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Socdaalkooda imaanshaha Baydhabo waxaana uu Xusay inay Muhiim tahay Hirgelinta Mashariicda ay ubaahanyihiin Beeralayda iyo Xoolo Dhaqatada in la hormariyo.

XIGASHO WARBAAHINTA MAAMULKA KOONFUR-GALBEED.

May be an image of 1 person and daisMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, the Oval Office and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people, wrist watch and suitMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and dais

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here