Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogo Ruushka.

Madaxweyne Macron ayaa khudbaddiisa ku sheegay in la beegsado saliidda iyo warshadaha dhuxusha ee Ruushka taas oo xanuun ku noqon karta Ruushka, ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

“Faransiisku wuxuu isku dubaridi doonaa tillaabooyinkan oo kale isaga iyo saaxiibadiisa EU, “gaar ahaan Jarmalka”, maalmaha soo socda,” ayuu yiri Macron. Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in Midowga Yurub uu ku soo rogi karo cunaqabatayn dheeraad ah oo ka dhan ah shakhsiyaad u dhashay Ruushka.

Waxaa xusid mudan in Macron uusan soo hadal qaadin beegsiga gaaska Ruushka, kaasoo ka dhigan qiyaastii 40% gaaska dabiiciga ah ee Midowga Yurub.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here