Madaxweynaha dowlad deegaaanka Soomaalida Mustafa Muxumad Cagjar oo booqasho ugu tegay Ciidamada Liyuu Boolis ee furimaha ku jira ayaa u mahadceliyay ciidamada sida ay habeen iyo maalin ugu howlanyihiin sugida iyo xaqeejinta amniga deegaanka iyo sida ay kaga hortagaan falalka amniga lidiga ku ah ee xiliyada qaarkood ka dhaca dowlad deegaanka.

Mustafa Muxumad Cajgar oo ka hadlayay weerada Al-Shabaab ee dowlad deegaanka ayaa Waxa uu xusay in Al-Shabaab aysan ku soo dhiira karin inay weerar ka geystaan dhulka dowlad deegaanka, isla markaana ka xukumad ahaan ay ka feejiganyihiin weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu dadka shacabka ah ugu baaqay inaysan soo dhaweysan qof waliba oo wada falalka amniga lidiga ku ah ayna shacabku ka feejignaadaan weerara Al-Shabaab lana dhaqeeyaan Hay’adaha amniga.

” Ka xukumad ahaan waan ka feejiganahay in Al-Shabaab ay soo weeraraan deeganka Culima’udiin, Waxgarad, dhalinyaro, Haween, iyo qof waliba waxaan ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka lana soo wadaagaan xogaha Kooxda Cadawga ah” ayuu yiri Mustafa Muxumada Cagjar.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Mustafa Muxumad Cagjar oo sii hadlayay ayaa sheegay in ka dowlad deegaan ahaan ay u diyaarsan yihiin sidii Al-Shabaab aysan ugu soo dhiira lahayn inay dhibaateeyaaan dadka shacabka iyo sidii dadka tabaaleysan loo garab istaagi lahaaay, asigoona ku amaanay hay’adaha ammaanka kaalinta ay ka qaateen nabad gelyada dowlad deegaanka.

Booqashada Madaxweyne Mustafa Muxumad Cagjar ee jiida Hore ee dagaalka ayaa daba socota dhaq dhaqaaqyo maalmahaan ciidamada liyuu-Booliis ay ka wadeen xadka dowlad deegaanka uu la wadaago gobalada Hiiraan, Galgaduud iyo Bakool, kuwaaas oo ay uga gol lahaayeeen inay ka hortagaaan weeraro Al-Shabaab ay mar kale ku qaadaan dhulka dowlad deegaaanka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here