Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne ku magacaabay Guddi-baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo war-bixiya Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
Madaxweynaha oo xigtay qodobo dastuuri ah ayaa magacaabay shan xubnood oo kala ah:
1Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye
- Farxaan Maxamed Cali Xubin
- Siciid Xasan Habbane Xubin
- Axmed Saleebaan Jaamac Xubin
- Bashiir Cabdi Xariir Xubin 2)
Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:
– Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda ee Xubnaha Komsihanka.
– Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Komishanka.
– Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.
Office Nairobi kenya