Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtooyin Madaxweyne xil ka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliland.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa xilka ka qaaday Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland, iyada oo xilkaas loo magacaabay Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) oo ah Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland.