Madaxweyne Ordogan “Waxaan ku Dhawaaqayaa manta barnaamijka hawada sare ee Turkiga ku ku Gaarayo dusha sare ee dayaxa iyadoo la adeegsanayo gantaal lagu farsameeyey Turkiga.

Maalintaas Hawshaa la Fulinayo Waxaan kusoo Beegaynaa boqol Sano Guuradii kasoo Wareegtay aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga .

Waxaan kaydinay 2.1 bilyan oo lirada Turkiga ah oo loogu tala galay Fulinta 56 mashruuc oo la xiriira dayax gacmeedyada, nidaamyada gantaalada iyo qalabka hawada sare.

Islaam hadaan nahay Waxaan nahay kuwa laga dhaxlay ilbaxnimada hormuudna u ahaa Aqoonta sida cilmiga xiddigiska, xisaabta iyo daawada sidaas Darteed Maanta waan ka hadli karnaa Hawada Sare Natiijo fiicana waan ka keeni karnaa .

Hadii Qaar idin Xasuusiyo Aqoonyahanadii Islaamka ee Dunida wax kusoo Kordhiyey waxaan ka Xusi karaa .

cirbixiyeenka Turkiga ee Muslimka ahaa Al-Farghani, wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee ogaaday dhaqdhaqaaqa gaarka ah ee qoraxda .

Saynisyahankii Muslimka ahaa Abaas ibnu Firnaas wuxuu ahaa Ninkii ugu horeeyay ee ku fekeray in loo duulo hawada Sare,

Cirbixiyeenkii Muslinka ahaa Al-Biiruuni wuxuu ahaa aasaasihii ugu horreeyay ee cilmiga sahaminta loo adeegsado, maadaama uu keenay fikradda cufis jiidadka toddobo qarni kahor

saynisyahankii Turkiga ee Muslinka ahaa Ali Kucicho, oo macallin ka soo noqday masaajidka Hagia Sophia, wuxuu ahaa qofkii u horeeyey ee Hindisay Xisaabinta masaafooyinka hawada sare iyo dhulka.

Caalimkii Muslimka ahaa Al-Jazari, wuxuu ahaa asaasaha waxa maanta loo yaqaan cilmiga isgaarsiinta, xakamaynta, isu dheelitirka .

Saynisyahanadiii Muslinku waxay qaabeeyeen oo Dunda kusoo Kordhiyeen habab fara badan, laga bilaabo mashiinnada biyaha lagu soo saaro ilaa saacadaha .

Ma awoodo tiriyo ama Xuso Saynisyahanadii Islaamku maadaama ay aad u tiro badan yihiin ,Waanse ku Faanayaa Kuligood .

Waxaana ku faraxsanahay guulaha ay gaareen kumanaanka aqoonyahan ee muslimiinta ahaa .Maanta inteena Nool weli wadadii ay jeexeen waa inoo Furan tahay ”

Khudbadii Madaxweyne Ordogaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here