Madaxweyne Putin ayaa saxiixay sharci lagu qaadayo xaddidaadda da’da askarta Ruushka looga mid noqon karo.

Sharcigan uu madaxweynaha qalinka ku duugay uu Arbacadi baarlmaanka dalkaasi meel mariyey ayaa oggolaanaya dadka ay d’dooa 40 jir ka weyn tahay iney askarinimo isu qori karaan.

Ciidamada qalabka sida ee Ruushka ayaa aad ugu dadaalaya in ay qortaan askar badan ka dib markii uu khasaara lixaad leh uu ka soo gaaray dagaalka Ukraine.

Moscow ma aysan sheegin tirada askarteeda dagalka ku waxyeellowday, balse Ukraine ayaa sheegtay in ku dhawaad 30,000 oo askari oo Ruush ah dagaalka lagu dilay.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here