Madaxweyne Putin oo si Kadis Kula Kulmay Bishaar Al Asad

Madaweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay magaalda Dimishiq ee dalka Siiriya isagoona halkaas kulan kula qaatay dhigiisa Bishar Al Asad.

Vladimir Putin ayaa yiri “ hada waxaan si kalsooni leh u dhihi karnaa dhul baaxad weyn ayaan u sameynay dawlada soo kabaneysa ee Siiriya iyo gobonimada dalkaba” waxaa laga soo xigtay afhayeenka Ruushka Dmitry Peskov.

Tani waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweynaha Ruushka uu ku tago dalka tan iyo markii uu booqday garoonka diyaaradaha Ruushka ee Hmeymim ee ku yaal gobolka Latakia sanadkii 2017.

Ruushka ayaa ciidankiisa cirka geeyey Siiriya sanadki 2015, isaga oo si cad u weeciyay dagaal yahanadii mucaaradka ee la dagaallamayay hoggaamiyihii taliska Asad dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka dhacay.

Booqashada madaxweyne Putin ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayso xiisada u dhexeysa Iran, oo ah saaxiibka weyn ee Assad, iyo Mareykanka oo ku saabsan weerarkii ay Mareykan ku dileen Jeneraal Qassem Soleimani iyo kuxigeenka madaxa militariga Iran ee Hashed al-Shaabi, Abu Mahdi al-Muhandis.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064