Madaxweyne Qoor Qoor iyo Ra iisalwasaarahii hore Xasan Clali Kheyre oo kulan xasaasi ku yeeshay Muqdisho

0

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)

Kulanka labada masuul oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa inta badan looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashada iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay deegaanada Galmudug.

”Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka # Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye ,Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayaa yiri Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Galmudug ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul goboleedyada ee la klulmay Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xilka baneeyay, waxa uuna Qoor Qoor kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhawaa Kheyre kahor inta aan la ridin.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo siyaasadeed uu taageero ugu raadinayo ololihiisa uu ku doonayo in dalka Madaxweyne uga noqdo

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here