Madaxweyne Qoor Qoor oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida Shirka Dhuusomareeb 3

0

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in mar kale isugu tagaan Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka si ay uga arinsadaan nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Shirka Dhuusoareeb kahor ayaa lagu waday in kulamo yeeshaan ayna kasii baarana degaan nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa guddiyo ay soo magacaabeen dowlada federalka iyo kuwa maamul goboleedyada, hasa ahaatee wali kulamo rasmi ah ma yeelan gudiyadaasi.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor oo xalay ka hadlay munaasabad loogu sameeyay Turkiga ayaa sheegay in shirka Dhuusomareeb 3 uu ku dhacayo waqtigii horey loo qorsheeyay.

Waxa uu sheegay Qoor Qoor in guddi loo xil saaray qaban qaabada shirkaasi ay shaqada sii wadaan, waxa uuna rajo wanaagsan in shirkaasi ku qabsoomo waqtigii loo qorsheeyay kana soo baxaan natoojooyin wax gal ah.

Qoor Qoor ayaana ka digay in la fashiliyo shirka Dhuusomareeb 3 uu tilmaamay in shirarkii ka horeeyay lagu bixiyay dadaal ,waqti iyo qarash badan, waxa uuna xusay in uu rajeenayo in Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamulada mar kale is hor fadhiistaan.

“Shirka waqtii lagu ballamay ayuu ku dhacayaa, ilaa haatan ma heyno waxyaabo keeni kara in uu dib uga dhaco xiliga qorshuhu yahay, waxa aan bogaadinayaa kaalinta Dadka Galmudug gaar ahaan Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo martigeliyay Madaxda iyo xubnaha la socday” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor

Shirkii labaad ee Dhuusomareeb ayaa markii uu soo dhamaaday la riday Xukuumadii Soomaaliya taa oo abuurtay shaki badan oo ku aadan in Madaxtooyada Soomaaliya dooneyso fashilinta Shirka Dhuusomareeb iyo heshiisyadii horey loo gaaray.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here