Wararka laga helaayo Deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheeaya in saaka Alshabaab qaraxyo waa weyn oo is miidaamin ah inay ku qaadeen deegaanka Laas-gacameey oo ku dhacay Magaalada Bacaad ee Gobolka Mudug.

Advertisement

Wararka horu dhaca ah ee la helaayo ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay xarun halkaasi kaga sugnaa maalmihii u danbeeyay Madaxweynaha Galmudug iyo masuuliyiin kale .

Xildhibaan C/qeybdiid iyo Xildhibaan Dhabancad ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen qaraxa halka Madaxweyne Qoor-Qoor uu ka bad-baaday weerarkaasi.

Xildhibaanka waayeelka ah ee Dhabancad ayaa sheegay in isaga iyo C/qeybdiid uu soo gaaray dhaawacyo iska fudud gaar ahaana isaga ay dhaawacday jiingada gurigii uu jiiftay xalay markii uu qaruxu soo dumiyay.

Dhanka kale Alshabaab oo ka hadlay durba qaraxaani ayaa sheegay inay iyagu ka danbeeyeen islamarkaana ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen masuuliiinta Maamulka Galmudug.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleTaliayaha Ciidamada Xoogga “Dagaalku wuu dhamaan doonaa dadkuna ma sinaan doonaan, macawisleyda Xawaade wax u dhigma lama helaayo”
Next articleRa’iisulwasaarwe Xamze oo ka qeybgalay bandhiga Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee Dowladnimada+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here